Ra’isulwasaare Cumar oo lacag ka qaatay Norway -Emirate-ka iyo Kenya
Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa olole xoogan ugu jira sidii uu siyaasadda uga saari lahaay siyaasiyiinta u dhashay beesha Abgaal Cismaan ee Hawiye .
Ra’isulwasaare Cumar Xalweyste oo gacan ka helaya Dowladaha Norway, Emirates iyo Kenya ayaa ololahiisa ugu magacdaray “NO MORE ABGAAL” taas oo micnaheedu yahay inuusan Abgaal dambe Madaxweyne ka noqon doonin Somalia.
Dowladda Emirate-ka ayaa Cumar Cabdirashiid siisay 7 Milyan oo dollar halka Norway iyadana siisay 7 Milyan oo dollar, iyadoo Kenya ay siisay lacag dhan hal Milyan iyo afar boqol oo dollar.
Haddii Cumar Cabdirashiid guuleeysto wuxuu saxiixi doonaa badda Somalia sidoo kalena wuxuu heshiiska dhigayaa inuu ka saaro Somalia dhamaan Hay’adaha Dowladda Turkiga.
Sikastaba ha ahaatee, Xeeldheerayaashu waxeey NO MORE ABGAAL u fasirteen olole nuxurkiisu yahay NO MORE HAWIYE.