Sawirro: sida xabashidu u xaalufiso dhulka Soomaaliyeed?

Tan iyo marki ay dhacday dowladii dhexe ee soomaliya, waxaa aad wadanka ugu baahay gurida dhirta taasoo isugu jirtay mid la shitto, mid guryaha lagu dhisto iyo mid dibada loo dhoofiyo oo lacag adag laga helo. Jarida dhirta ayaa ah mid aan loo kala harin oo ka dhacday dhamaan gobolada soomaliya ka kooban tahay xataa kuwa maamulada xooga leh ay ka jiraan sida soomaliland iyo Puntland. Laakiin dhibka ugu weyn ee dhirta loo gaystay ayaa ka dhacay koonfurta soomaliya sida tan dadka loo gaystayba ay oogu badan tahay.

xaaluf-1

Dhirta ugu badan ee la gubo si looga dhigo dhuxul dibada loo qaado ayaa ah geedka loo yaqaan quraca oo aad ugu badnaa soomaaliya ahna geed cimri dheer oo gaaro boqolaal sano. War bixin ay soo saartay UN-ta  (2011) ayaa lagu sheegay in geedaha la gubo 80% yahay quraca taaso qaar ka mid ah dad u dodo bay’ada ay sheegeen in 25% quricii soomaaliya la jaray dhawaana ay gaari doonto 40%. War bixinta ayaa lagu sheegay in qiyaasti 150,000 oo mitre tan oo dhuxul ah Soomaaliya laga dhofiyo sanad walba. In la helo dhuxul intaas la eg waxay u baahan tahay in la jaro 2.1 million oo qurac.

Meelaha ay sida weyn uga jiro gurida waxa ka mid ah deegaamada Jubbaland oo ay Gedo ka mid tahay. Meelo badan oo ka mid ah gobalka Gedo ayaa dhirtii laga baneeyay iyadoo meelaha gaar ay adagtahay inaad ku aragto geed weyn oo taagan taasoo sababtay nabaad guur baaxad leh iyo xaaluf ba’aan, iyo abaar aan dhamaad lahayn.

Si kastaba ha ahaatee waxaa jidkaan ka leexday dagmada Garbahaareey iyo nawaaxigeeda oo dadka dagan ay dadaal dheer u galeen ka hortaga jarida dhirta iyo inaysan cidna u ogalaan inay dhuxul ka gubaan deegaan kooda. Dadaalkaan ayaa ahaa mid si wada jir ah ay ooga qayb qaateen dhamaan qaybaha bulshada oo ay hogaaminayeen odayaasha iyo culumada kuwaaso hor istaag ku sameeyay dadkii ugu horeeyay geedo gurac xaabo badan kasoo gurtay si ay dab ooga shittaan sanadii 2000. Diidmada ayaa qusaysay geedaha nool iyo kuwa qalalay ee yaalo dhulka, arintaan oo la isla gartay hadii la ogolaado tan qalashay inay ku xigi doonto in la dumiyo tan baxayso. Hoos ka daawo sawiro  tusayo qurac waqti hore engagay oo wali halkiisi yaalo.

Laakiin waxaa gushaan dhaawac gaarsiyay malaashiyaad Tikreega ee lagu sheegay inay AMISOM ka tirsan yihiin. Maleeshiyada Tikreega ayaa timid Garbahaareey sanadii  2013 markaas oo dadka deegaan si aad ah iyo lab furnaan kusoo dhaweeyeen iyagoo u arkayay inay xornimo iyo maamul wanaag u wadaan. Garbahaareey ayaa ah meelaha waqti dheer laga diidana amarada Al-shabaab iyo kuwii ka horeeyay sida Al-Ittixaad, taasoo sababtay colaad u dhaxayso dadka deegaanka iyo maamulada wadaad-tooyada ku dhisan.

Maleshiyaadka tikreega oo og inay guushooda la egtahay hadba inta ay dhib gaarsiyaan dad iyo deegaan soomaaliyeed, ayaa bilaabay inay inta koox-koox u baxaan ay soo gurtaan xaabo qalashay, wax yar ka dibna waxay bilaabeen inay soo gurtaan geedo waa weyn balse dumay, ka dibna waxay usii gudbeen inay qabuuraha geedaha lagu meegaaro si xoolaha looga celiyo soo aruursadan. Ugu danbayntii waxay bilaabeen duminta geedo waa weyn oo qurac ahaa muddo dheerna ku yaalay meesha. Inta badan waxay isticmaaleen taankiyo si ay u dumiyaan geedaha, ka dib taagiga ay kusoo jiidayeen.

Wararku waxay sheegayaan inay Tikreegu ogolaansho ay dhirta dhuxul oga dhigtaan ay ka heleen odayaasha lagu sheegay golaha guurtida oo ah gole ay dhistay dowlada hoose  ee dagmada oo taageero ka helaysay ciidamada Xabashida.

Nasiib wanaag waxaa arintan ka dhiidhiyay culamada magaalada oo masaajida ka istaagay toosh weyna ku ifiyay dhibka ay tikreegu ku hayaan dhirta. Tikreegu waxay amar ku siiyeen maamulki markaas jiray inay soo xiraan wadaadada dadka ku dirayo oo ay ku sheegeen inay amni darro abuurayaan. Maamulki oo fulinayo amarki Tikerrga ayaa isku dayay inay soo xiraan culamadii ka hadashay jarida dhulka taasoo sababtay kacdoon dad weyne oo u istaagay inay difaacaan culumada.

Xabashidu sidaas kuma joojin gurida dhirta ee way sii waday inkastoo ay yareeyeen geedihii badnaa ee ay dumin jireen ilaa laga soo gaaray bishii Septeber 2015 waqtigaas oo si weyn ay u kala dhinteen iyaga iyo dadka deegaan, kai b marii ay isku dayeen inay badalaan maamulki mgaalada ka jiray. Dhibaatada bay’ada ee ay gaystaan ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan ayaa soo jeedin dareenka shacabka iyo saxaafada sida uu usoo jiido kuwa siyaasada.

Ugu danbaynti reer Garbhaareey ayaa in badan ka duwan gobalka intiisa kale iyo meelo bdan oo Soomaaliya ka mid ah marki la eego sida ay ooga hortageen gurida dhirta iyo nabaad guurinta deegaanka. Dhibki ay Tikreegu ka sameeyeen dhulka Soomaaliyeed wuxuu noqon doonaa mid diiwaan gashan waqtigeedana sugu doonto.

xabashida-xaalufin


Shabakada Galgaduudnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail [email protected]om

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay

Hogaanka dhaqanka Habargidir oo qaadacay ka qeybgalka Xafladda Caleemasaarka Shirwac.
- Dec 9, 2019
Odayaasha dhaqanka Sacad,Saleebaan,Saruur iyo Duduble ayaa diiday iney ka qeybgalaan Caleemasaarka, ninka loo doortay ...
Hogaanka dhaqanka Habargidir oo qaadacay ka qeybgalka Xafladda Caleemasaarka Shirwac.
- Dec 8, 2019
Habargidir Traditional Elders The HabarGidir is a subclan of the Hawiye and the even larger ...
Ra’isulwasaare Cumar oo lacag ka qaatay Norway -Emirate-ka iyo Kenya
- Nov 18, 2016
Ra'isulwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa olole xoogan ugu jira sidii uu siyaasadda uga saari lahaay ...
Wardegdega Ciidanka Habargidir oo la wareegay inta badan gacan ku heynta Galkacyo
- Nov 8, 2016
Ciidanka beesha Habargidir oo garab ka helaya Ciidan beeleed u dhashay beesha Qubeys Dir ...
Taageerayaasha SNA – Jeneral Ceydiid oo qaadacay hadalkii Xuseen Caydiid ka sheegay kulan beenaadkii Garguurte lagu taageeray
- Nov 5, 2016
Taageerayaasha isbahaysigi SNA aya sheegay in Injiner Xuseen Maxamed Faarax "Ceydiid" warka u xalay ...
Sawirro: sida xabashidu u xaalufiso dhulka Soomaaliyeed?
- Nov 3, 2016
Tan iyo marki ay dhacday dowladii dhexe ee soomaliya, waxaa aad wadanka ugu baahay ...
Corruption diplomacy by Emirates in Somalia
- Nov 3, 2016
Mogadishu - The United Arab Emirates is faulted for deeply interfering in the internal ...
EMIRATES MUST KEEP THEIR HANDS OFF SOMALIA
- Nov 3, 2016
Brussels - The Executive leader of the Wagosha Movement of Somalia, Eng Yarow Sharif ...
Somalia enters freefall following ISIS, al-Shabaab flurry
- Oct 31, 2016
Somalia (MNN) — Today begins another worrisome week in one of the world’s most ...
Somalia Park orphans need support
- Oct 31, 2016
Betty Ndlovu of Somalia Park is doing all that she can to help the ...
Somalia: The Forgotten Story
- Oct 30, 2016
Somalia's modern history is a tale of independence, prosperity and democracy in the 1960s, ...
Daawo Xidig ka mida Fanaaniinta Habargidir oo hees u qaaday Hobyo
- Oct 30, 2016
Fartun Ahmed Firginle oo loo yaqaan Fartun Birimo Waxeey ka mid tahay Fanaaniinta ugu ...
Liiska magacyadda Saraakiishii Habargidir ee Afgooye lagu qarxiyay
- Oct 21, 2016
Video laga duubay taliska Daraawiishta Degmadda Afgooye ayaa muujinaya dhimashadii Saraakiil sare oo ku ...
Magacyadda Geesiyaddii ku dhintay kuna dhaawacmay dagaalkii Xabashida ee Galgaduud
- Apr 23, 2016
Dagaalkii ka dhacay duleedka Dacdheer ee gobolka Galgaduud waxaa beesha Sacad Habargidir uga dhintay ...
Beesha Habargidir waxeey iclaamisay Jihaad lala galo Ethiopia
- Apr 23, 2016
Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha sare ee Beesha Habargidir . Beesha Habargidir waxeey bulshadda Soomaaliyeed ugu baaqeeysaa ...