Liiska magacyadda Saraakiishii Habargidir ee Afgooye lagu qarxiyay
Video laga duubay taliska Daraawiishta Degmadda Afgooye ayaa muujinaya dhimashadii Saraakiil sare oo ku geeriyooday weerar ismiidaamina oo argagixisadda Al-Shabaab ku qaaday. Saraakiisha dhintay ayaa meeydadkooda laga dhex helay dhismaha taliska Ciidanka kadib markii uu qaarkood ku dumay dhismaha halka sidoo kalena ay galeen birahii faniinka qaraxa.
Gaashaanle dhexe Axmed Cabduqadir Cabdulle Gorod. ,Habargidir, Sacad ,reer Jalaf.
Kabtan Cabdi Xasan Cabdulle boqol , Hawiye, Duduble. wuxuu boqol ahaay farsamo yaqaan ku xeeldheer sameeynta qoryaha nuucyadooda kala duwan.
Cali Cabdi Yusuf – Cali karadhi , Habargidir, Sacad, Reer Awbakar Culus.
Cabdifitaax Axmed Cartan Gaani Gorod. Habargidir, Sacad , Reer Jalaf.
Maxamuud Dahir Faarax Qooleey , Habargidir, Saleebaan.
Allaha u naxariisto Saraakiishaan oo la rumeeysan yahay inuu weerarkoodu ahaay mid siyaasadeed oo daba joogay dilkii Jeneral Goobaale.
By Dahir Alasow