Sawirro: sida xabashidu u xaalufiso dhulka Soomaaliyeed?
Tan iyo marki ay dhacday dowladii dhexe ee soomaliya, waxaa aad wadanka ugu baahay gurida dhirta taasoo isugu jirtay mid la shitto, mid guryaha lagu dhisto iyo mid dibada loo dhoofiyo oo lacag adag laga helo. Jarida dhirta ayaa ah mid aan loo kala harin oo ka dhacday dhamaan gobolada soomaliya ka kooban tahay xataa kuwa maamulada xooga leh ay ka jiraan sida soomaliland iyo Puntland. Laakiin dhibka ugu weyn ee dhirta loo gaystay ayaa ka dhacay koonfurta soomaliya sida tan dadka loo gaystayba ay oogu badan tahay.Dhirta ugu badan ee la gubo si looga dhigo dhuxul dibada loo qaado ayaa ah geedka loo yaqaan quraca oo aad ugu badnaa soomaaliya ahna geed cimri dheer oo gaaro boqolaal sano. War bixin ay soo saartay UN-ta (2011) ayaa lagu sheegay in geedaha la gubo 80% yahay quraca taaso qaar ka mid ah dad u dodo bay’ada ay sheegeen in 25% quricii soomaaliya la jaray dhawaana ay gaari doonto 40%. War bixinta ayaa lagu sheegay in qiyaasti 150,000 oo mitre tan oo dhuxul ah Soomaaliya laga dhofiyo sanad walba. In la helo dhuxul intaas la eg waxay u baahan tahay in la jaro 2.1 million oo qurac.
Meelaha ay sida weyn uga jiro gurida waxa ka mid ah deegaamada Jubbaland oo ay Gedo ka mid tahay. Meelo badan oo ka mid ah gobalka Gedo ayaa dhirtii laga baneeyay iyadoo meelaha gaar ay adagtahay inaad ku aragto geed weyn oo taagan taasoo sababtay nabaad guur baaxad leh iyo xaaluf ba’aan, iyo abaar aan dhamaad lahayn.
Si kastaba ha ahaatee waxaa jidkaan ka leexday dagmada Garbahaareey iyo nawaaxigeeda oo dadka dagan ay dadaal dheer u galeen ka hortaga jarida dhirta iyo inaysan cidna u ogalaan inay dhuxul ka gubaan deegaan kooda. Dadaalkaan ayaa ahaa mid si wada jir ah ay ooga qayb qaateen dhamaan qaybaha bulshada oo ay hogaaminayeen odayaasha iyo culumada kuwaaso hor istaag ku sameeyay dadkii ugu horeeyay geedo gurac xaabo badan kasoo gurtay si ay dab ooga shittaan sanadii 2000. Diidmada ayaa qusaysay geedaha nool iyo kuwa qalalay ee yaalo dhulka, arintaan oo la isla gartay hadii la ogolaado tan qalashay inay ku xigi doonto in la dumiyo tan baxayso. Hoos ka daawo sawiro tusayo qurac waqti hore engagay oo wali halkiisi yaalo.
Laakiin waxaa gushaan dhaawac gaarsiyay malaashiyaad Tikreega ee lagu sheegay inay AMISOM ka tirsan yihiin. Maleeshiyada Tikreega ayaa timid Garbahaareey sanadii 2013 markaas oo dadka deegaan si aad ah iyo lab furnaan kusoo dhaweeyeen iyagoo u arkayay inay xornimo iyo maamul wanaag u wadaan. Garbahaareey ayaa ah meelaha waqti dheer laga diidana amarada Al-shabaab iyo kuwii ka horeeyay sida Al-Ittixaad, taasoo sababtay colaad u dhaxayso dadka deegaanka iyo maamulada wadaad-tooyada ku dhisan.
Maleshiyaadka tikreega oo og inay guushooda la egtahay hadba inta ay dhib gaarsiyaan dad iyo deegaan soomaaliyeed, ayaa bilaabay inay inta koox-koox u baxaan ay soo gurtaan xaabo qalashay, wax yar ka dibna waxay bilaabeen inay soo gurtaan geedo waa weyn balse dumay, ka dibna waxay usii gudbeen inay qabuuraha geedaha lagu meegaaro si xoolaha looga celiyo soo aruursadan. Ugu danbayntii waxay bilaabeen duminta geedo waa weyn oo qurac ahaa muddo dheerna ku yaalay meesha. Inta badan waxay isticmaaleen taankiyo si ay u dumiyaan geedaha, ka dib taagiga ay kusoo jiidayeen.
Wararku waxay sheegayaan inay Tikreegu ogolaansho ay dhirta dhuxul oga dhigtaan ay ka heleen odayaasha lagu sheegay golaha guurtida oo ah gole ay dhistay dowlada hoose ee dagmada oo taageero ka helaysay ciidamada Xabashida.
Nasiib wanaag waxaa arintan ka dhiidhiyay culamada magaalada oo masaajida ka istaagay toosh weyna ku ifiyay dhibka ay tikreegu ku hayaan dhirta. Tikreegu waxay amar ku siiyeen maamulki markaas jiray inay soo xiraan wadaadada dadka ku dirayo oo ay ku sheegeen inay amni darro abuurayaan. Maamulki oo fulinayo amarki Tikerrga ayaa isku dayay inay soo xiraan culamadii ka hadashay jarida dhulka taasoo sababtay kacdoon dad weyne oo u istaagay inay difaacaan culumada.
Xabashidu sidaas kuma joojin gurida dhirta ee way sii waday inkastoo ay yareeyeen geedihii badnaa ee ay dumin jireen ilaa laga soo gaaray bishii Septeber 2015 waqtigaas oo si weyn ay u kala dhinteen iyaga iyo dadka deegaan, kai b marii ay isku dayeen inay badalaan maamulki mgaalada ka jiray. Dhibaatada bay’ada ee ay gaystaan ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan ayaa soo jeedin dareenka shacabka iyo saxaafada sida uu usoo jiido kuwa siyaasada.
Ugu danbaynti reer Garbhaareey ayaa in badan ka duwan gobalka intiisa kale iyo meelo bdan oo Soomaaliya ka mid ah marki la eego sida ay ooga hortageen gurida dhirta iyo nabaad guurinta deegaanka. Dhibki ay Tikreegu ka sameeyeen dhulka Soomaaliyeed wuxuu noqon doonaa mid diiwaan gashan waqtigeedana sugu doonto.