Xildhibaanad Ubax Tahliil oo boqolaal u dhashay Beesha Habargidir ku casuuntay Muqdisho kadibna telefoonkii dansatay?

ubax-tahliilHabargidir.info- Looma dhutin oo qeybaha Beesha Habargidir waxeey 9 subaxnimo ilaa 3 duhurnimo si habsami leh u wateen shirkoodii Hotel Sahafi hasse yeeshee waxeey fadeexada ugu hadal heynta badan Muqdisho noqotay Xildhibaanad Ubax Tahliil oo Casuumaad u fidisay 370 ka mida Masuuliyiinta beesha Habargidir ee ku nool Muqdisho kadibna ka dhuumatay.

Xildhibaanad Ubax Tahliil ayaa qeybaha Habargidir u qeybisay Casuumaad ay ku weydiisatay iney ka soo qeybgalaan shirweyne ay qaban qaabiyeen Xildhibaanadda iyo Wasiiradda Beesha Habargidir kaas oo ka dhacaayay Hotel Sahafi laakiin markii xubnahii beesha Hoolka buux dhaafiyeen waxaa leeys weeydiiyay oo la waayay Xildhibaanadii iyo Wasiiradii beesha Habargidir.iyadoo la sugaayay 9 subaxnimo iyo 3 galabnimo.

Odayaashii Beesha Habargidir ayaa wacay Xildhibaanad Ubax Tahliil hasse yeeshee telefoonkeeda hawada ayuu ku maqnaa.

Dadkii shirweynaha ka qeybgalayay qaarkood waxeey ku dhawaaqayeen Ubax Dawaco maaha qofka la mooday oo laaluush ayey xalay qaadatay.

Waxaa la sheegay in lacag loo qeeybiyay Xildhibaanadii Beesha Habargidir lagana codsaday ineysan shirweynaha beesha tegin.

Ergadii lagu casuumay Shirweynaha ayaa ugu dambeyn iska bixiyay lacagtii Hotel Sahafi ee qadada.

Fashilinta shirka beelweynta Habargidir wuxuu Xasan Garguurte u adeegsaday Mahad Salaad,Cabdi Kariim Xuseen Guuleed iyo Xildhibaan Ugaas Dhageey oo lagu tilmaamo calooshiis u shaqeeyste u nugul laaluushka ,una sacbiya qof walba oo shilin siiya.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Mahad Salaad ayaa shirka Habargidir goor dambe tegay ,wuxuuna markiiba bilaabay inuu afduubo isagoo diiday in Warbaahinta duubto boqolaalka qof ee iskuugu tegay shirka iyo khudbadahii ay jeedinayeen.

Mahad Salaad wuxuu hadalkiisa ku koobay “Anigaa Madaxweynaha  u tegaa,anigaa ka sii deeynaa Saraakiisha Habargidir ee la xiray,guryaha la burburshay iyo tacadiyadda ay ku kacayaan Masuuliyiinta u dhashay beesha Abgaal Cismaan”

Cabdi Qeybdiid oo madasha ka hadlay wuxuu yiri “Qofka Raxanweyn ama Dir laga xiro waxaa lagu sii daayaa wax ka yar 48 saac hasse yeeshee Wiilashii iyo Gabdhahii Habargidir waxeey Xabsiyada ku jiraan halsano ilaa lix bilood”

Odayaashii,Ganacsatadii iyo dhalinyaradii ka qeybgalay Shirweynaha ayaa ku ballamay in Xildhibaanadda Habargidir iyo Wasiiradda lagala laabto kalsoonida,waxaana lagu ballansan yahay shirweyne labaad oo si madax banaan loogu kulmo.

Sikastaba ha ahaatee,dadku waxeey leeyihiin Ubax Tahliil waxeey dhiteeysatay cuqubo iyo Habaar,waxaana hubaala ineysan ka bad baadi doonin Isha iyo Habaarka Odaayaashii Beesha Habargidir ee ay Hotel-ka uga dhuumatay.


Shabakada Galgaduudnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail [email protected]

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay

Hogaanka dhaqanka Habargidir oo qaadacay ka qeybgalka Xafladda Caleemasaarka Shirwac.
- Dec 9, 2019
Odayaasha dhaqanka Sacad,Saleebaan,Saruur iyo Duduble ayaa diiday iney ka qeybgalaan Caleemasaarka, ninka loo doortay ...
Hogaanka dhaqanka Habargidir oo qaadacay ka qeybgalka Xafladda Caleemasaarka Shirwac.
- Dec 8, 2019
Habargidir Traditional Elders The HabarGidir is a subclan of the Hawiye and the even larger ...
Ra’isulwasaare Cumar oo lacag ka qaatay Norway -Emirate-ka iyo Kenya
- Nov 18, 2016
Ra'isulwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa olole xoogan ugu jira sidii uu siyaasadda uga saari lahaay ...
Wardegdega Ciidanka Habargidir oo la wareegay inta badan gacan ku heynta Galkacyo
- Nov 8, 2016
Ciidanka beesha Habargidir oo garab ka helaya Ciidan beeleed u dhashay beesha Qubeys Dir ...
Taageerayaasha SNA – Jeneral Ceydiid oo qaadacay hadalkii Xuseen Caydiid ka sheegay kulan beenaadkii Garguurte lagu taageeray
- Nov 5, 2016
Taageerayaasha isbahaysigi SNA aya sheegay in Injiner Xuseen Maxamed Faarax "Ceydiid" warka u xalay ...
Sawirro: sida xabashidu u xaalufiso dhulka Soomaaliyeed?
- Nov 3, 2016
Tan iyo marki ay dhacday dowladii dhexe ee soomaliya, waxaa aad wadanka ugu baahay ...
Corruption diplomacy by Emirates in Somalia
- Nov 3, 2016
Mogadishu - The United Arab Emirates is faulted for deeply interfering in the internal ...
EMIRATES MUST KEEP THEIR HANDS OFF SOMALIA
- Nov 3, 2016
Brussels - The Executive leader of the Wagosha Movement of Somalia, Eng Yarow Sharif ...
Somalia enters freefall following ISIS, al-Shabaab flurry
- Oct 31, 2016
Somalia (MNN) — Today begins another worrisome week in one of the world’s most ...
Somalia Park orphans need support
- Oct 31, 2016
Betty Ndlovu of Somalia Park is doing all that she can to help the ...
Somalia: The Forgotten Story
- Oct 30, 2016
Somalia's modern history is a tale of independence, prosperity and democracy in the 1960s, ...
Daawo Xidig ka mida Fanaaniinta Habargidir oo hees u qaaday Hobyo
- Oct 30, 2016
Fartun Ahmed Firginle oo loo yaqaan Fartun Birimo Waxeey ka mid tahay Fanaaniinta ugu ...
Liiska magacyadda Saraakiishii Habargidir ee Afgooye lagu qarxiyay
- Oct 21, 2016
Video laga duubay taliska Daraawiishta Degmadda Afgooye ayaa muujinaya dhimashadii Saraakiil sare oo ku ...
Magacyadda Geesiyaddii ku dhintay kuna dhaawacmay dagaalkii Xabashida ee Galgaduud
- Apr 23, 2016
Dagaalkii ka dhacay duleedka Dacdheer ee gobolka Galgaduud waxaa beesha Sacad Habargidir uga dhintay ...
Beesha Habargidir waxeey iclaamisay Jihaad lala galo Ethiopia
- Apr 23, 2016
Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha sare ee Beesha Habargidir . Beesha Habargidir waxeey bulshadda Soomaaliyeed ugu baaqeeysaa ...